Use the form below to create Unicode IPA characters that you can enter into your browser's search field. (Pop-ups must be enabled.)

   Enter a standard character and Right-Click (Macintosh Ctrl + Click) for similar IPA characters.

   Double-click for an interactive IPA chart.

Copy the results of your search, and paste them (Ctrl + V) into your browser's search box (Edit > Find) to search for that symbol.
(You may need to click outside of the form before using Find to locate the sound.)

(The unicode entry tool was developed by the Linguist List. To obtain it for use in other web pages click here)

Entry Speaker  Somali Orthography  English Translation 
1  M Waar, A, bal waran?  A, how are you doing? 
2  A Nabad weeyi.  I am all right. 
3  M Goormaad Soomaaliya ka timid?  When did you come from Somalia? 
4  A Waxaan ka imid sand ka horow.  I came one year ago. 
5  M Maxaad uga timiday Somaaliya?  Why have you come from Somalia? 
6  A Inaan tactiinta kordhisto ayaan uga imid Soomaliya.  I have come to do graduate study. 
7  M Oo markaa dawladda ayaa ku soo dirtay?  Therefore, the government has sent you? 
8  A Haa dawladda Soomaaliyeed ayaa I soo dirtay.  Yes, the government has sent me. 
9  M Haa, maxaanad baranaysaa iminka?  What do you want to study? 
10  A Waxan rabaa inaan barto jugraafi.  I want to study geography. 
11  M Haa, jugraafi baad doonasa inaad barato?  Oh, you want to study geography? 
12  A Haa.  Yes. 
13  M Oo UCLA ma jugraafi waxay leedahay fiican.  Does UCLA have a good geography department? 
14  A Haa, markii an eegay kuriklamkood, waa jamicadda ugu weyn weeyaan xagga jugraafiga, khaasatan cilmigga jugraafiga xayawaanka, aad bay ug weyn tahay. Qayabaha kalana qudhooda way ku wanagsan tahay.  Yes, when I researched, the geography department appeared to be good, especially the biogeography division, as well as the other divisions. 
15  M Haa, oo waxaad leedahay UCLA waxay leedahay dibaarman fiican oo jugraafiah.  Oh, are you saying that UCLA has a good geography department? 
16  A Haa, ayey leedahay.  Yes, it has. 
17  M Waa maxay qaybta jugraafiga ah ee ad doonaysid inaad ku takhasustid?  Which division do you want to specialize with? 
18  A Waxaan doonayaa inaan ku takhasuso, hortiihore waxaan jeclaa jugraafiga dhaqaaleed inaan ku takhasuso, hase yeeshee markii an halkan imid waan is yara badeley, markaa waxa lagga yaabaa inaan ku takhasuso jugraafiga dhaqanka iyo waxaa la xidhiidha yaan jecelahay.  At first I wanted to study economic geography, but then when I came here I switched to cultural geography and other related material. 
19  M Imise ayey kugu qaadanaysaa inta ad barnaamugkaagan waxbarasho ad dhamaynsid?  How many years will it take you to do this programme? 
20  A Waxa lagga yaabaa inay igu qaadato ilaa afar sano.  It is possible that it might take four years. 
21  M Haa inay afar sano kugu qaadato. Oo markaa afartaa sano maxaad dhameynasaa?  Oh, will it take four years to complete…and after that four years, what degree will you take? 
22  A Digriigga la yidhahdo B.H. Dii.  Ph.D. degree. 
23  M B.H. Dii baad doonaysaa inaad dhamaysid?  You want to do Ph.D.? 
24  A Haa.  Yes. 
25  M Markaa maxaad ku tala jirtaa inaad qabatid afartaa sano ka bacdi?  What do you want to do after these four years? 
26  A Waxaan rabaa inaan ka dhigo jaamicadda, iyo waxa kale oon rabaa inaan anigu sameeyo waxqoraal ma ogsoontahay.  I want to teach at the university and also I want to do some writings. 
27  M Haa, markaa jaamicaddu, waxay leedahay jugraafi, waax jugraafiyeed bay leedahaysta Soomaaliddu?  Yes, you mean that the Somali National University has a department of geography. 
28  A Haa. Waax jugraafi ah ayey leedahay.  Yes, it has. 
29  M Markaa waxaad leedahay halkaas ayaan anigu ka dhigi doonaa?  Are you saying that you will teach there? 
30  A Haa, ceynkaas ayaan rabaa.  Yes, I want that. 
31  M Bal ka waran noloshan maraykanka iyo kalafooniya, ma fiican tahay baad u malaynasaa?  How do you see the life of California, do you think it is nice? 
32  A Walaahi, ma xuma, ninkii raba inuu waxbarto wuu baran karayaa. Adigu goorma ayaad ka timid Soomaaliya?  Oh, god, it is not bad for someone who wants to study. When did you come from Somalia? 
33  M Anigu waxaan ka imid Soomaliye laba sandood ka hor, waxaanan imid loosanjalis, waxaanan dhigtaa iskuulka la yidhahdo USC. Waxaan bartaa waxbarasho, oo waxay leedahay USC iskuul fiican, oo tababarka waxbarashadda iyo waxaa ku shaqaley. Waxaanan ku rajo weynahay inaan joogo laba sanadood oo danbe, kadibna inaan mastariskeyga ka qaato idhi keyshanka, deetana an Soomaaliya ku noqdo, ayaan filayaa.  I came from Somalia to Los Angeles two years ago. I go to USC and I study education. USC has a good school of education and other related subjects. I hope that I will stay two more years. After a masters in education I want to go back to Somalia. 
34  A Haa, maxaad rabtaa ka bacdi inaad kolkaa ad qabato marka ad dhamayso?  What do you want to do after you finish it? 
35  M Waxaan filayaa inaan wasaaradda waxbarash da u shaqeyo.  I hope I will work for the ministry of education. 
36  A Ood maxay ka qaban doontid?  What will you be doing in the ministry? 
37  M Waxaan noqonayaa inisbeektar (kormeere), oo iskuuladda dugsiyadda hoose, sida loo habeeynayo, sida barnaamujyadooda loo dejinayo, sida macalimiinta loogu tababarayo, umuuro noocas la xihiidha tababarka macalimiinta ayaan ku howla naan doona.  I will become an inspector for elementary schools and I will be working to improve their curriculum and the quality of the teachers and other similar things, like training programmes and so on. 
38  A Wax inaad qorto ma rabtaa?  Do you have the intention of writing on anything? 
39  M Haddii ay ii surrtowdo waan ku dadaali doonaa inaan wax qoro, laakin wakhigayga badankiise waxa qaadan doona sidii an wax u tababari lahaa ayaan ku rajo weynahay. Markaa iskuulkan USC na wuxu leeyahay barnaamuj aad u fiican, oo meelaha an anigu rabo aad u xoojinaya. Markaa waxaan islee'ahay hadaad labadaa sanadood dhamaysatid wax weyn ayaad ka faa'iidaysatay oo wax qabad noqon doona, ma aragtay, sidas ayaan islee ahay ayey kula noqon doontaa.  I will try, if possible, even though I will be devoting most of my time to these training programmes. USC has a good programme in the area of my interest. Therefore, I am saying to myself that if I stay for two more years, I will be well equipped and wiill contribute to the society. 
40  A Wakhtigan iminka an joognaa waa samarkii, ma rabtaa inaad meelo soo yare warwareegto wadankan ka mid ah?  We are now in the summer time. Do you have the intention of visiting anywhere in this country? 
41  M Haa waxaan jecelahay inaan Saanfaransiisko tago. Waxa la ii sheegay inay Ssaanfaransiisko meel fiican tahay, oo loosanjalis ka duwan. Meeshaasan jeclaa inaan soo arko, oo an hal satimaan soo joogo.  Yes, I'd like to visit San Francisco. I have been told San Francisco is a good place and that it is different from Los Angeles. I would like to stay one week. 
42  A Maxaa lagugu sheegay?  What have you been told about? 
43  M Waxa la igu yidhi meeshaasi waa meel aad u qurux badan. Waxa la yidhi waa meel aad uga duwan loosanjalis, ka kooban, hawadeeduna wey ka fiican tahay, waxaanan jeclahay inaan las feygas meelahas oo lagu khamaarana inaan soo daawado ayaan doonayaa. Markaa haddii bisha soo socota sibtambar horaanteeda ayaan jeclahay inaan laba wiig ku maqnaado, oon soo noqdo, waayo iminka hawla kale oo yar yar ayaan qabanayaa, hawlahaa yar yari markay iga dhamaadaan ayaan isleeahay ad u fara baxdid oo markaa ad tagtid. Sidaas ayaan imika ku raja weynahay. Ma meel ad rabto ayaa jirta adigu samarka inaad tagto, mise iskuu; ayaad dhigataa hadda?  I have been told that it is a beautiful place, and that it is different from Los Angeles. It is smaller and has better weather than Los Angeles. I would like also to visit Las Vegas where they do gambling and other funny things. So I would like to go the beginning of the coming month, september. I want to be there for two weeks, and then come back. But now I have a lot of other things to do, and when I finish that, I will be ready to go. Is there any place which you would like to go this summer, or are you taking summer school now? 
44  A Hadaaye iskuul baan dhigtaa, waxa u iga dhamaanaya bishan todo badeeda, markaa waxan rabaa inaan qudhaydu soo yare arko meela kale.  Now I am in summer school, but it is going to end on the seventh of this month, and after that I would like to visit somewhere. 
45  M Meelaheed rabtaa inaad soo aragtid?  Do you have specific places to visit? 
46  A Waxan yare rabaa inaan soo arko gobolkan inoogu dhow ee la yidhahdo arisoona oo an u maleynayo inay is yare shababaan dhulkeenii.  Yes, I would like to visit the nearby state, Arizona. I think there are a lot of similarities between that state and our country. 
47  M Haa, xagga kalaymitka mi yaa?  They are similar climatically, aren't they? 
48  A Xagga dhabeecadda iyo waxyaabahaasi. Ay iska yora masalaan, ayaan rabaa bal inaan soo yare arko. Oon soo indhaindheeyo, waxa kale oon rabaa inaan aado niyuu-yoorak.  I suppose from the physical point. I would also like to visit New York. 
49  M Niyuu-yoorak inaad atgto ayaad rabtaa?  Would you like to visit New York? 
50  A Haa.  Yes. 
51  M Oo niyuu-yoork wayba kaa fogtahay waana qaali eh maxaad rabtaa?  New York is distant as well as expensive, therefore, why would you go there? 
52  A Wey fogtahay, waa runtaa weeyi, laakin waxa la igu yidhi galbeedka maraykanka iyo barigiisu aas bay u kala duwan yihiin noloshoodu, markaa bal waxaan rabaa, maa daama ay tahay magaalo aad u weyn inaan soo arko nolosheeda ayaan iyana rabaa. Markaa qaaligey doonto ha iska ahaatee, inaan iyana soo arko ayaan jeclahay.  It is a fact that it is distant, but I heard that the west coast and the east coast are totally different. In the style of life. And since it is also a big city, I would like to see it. Even though it is expensive, I would like to stay a week. 
53  M Haddii ilaahay yidhahdo. Markaa goormaad isleedahay tag?  When are you going? 
54  A Bisha soo socota ayaan rabaa bilowgeega inaan tago ka bacdi an soo joogo satimaan, anan ka soo noqdo markaa.  I want to go at the beginning of the next month. 
55  M Satimaan kali ah ayaad joogaysaa miyaa?  Are you staying for a week? 
56  A Satimaan kali ah ayuun baan rabaa inaan joogo, waayo nolosheeda ayaa qaali ah ayaa la yidhi, markaa satimaan ayuun baan rabaa inaan joogo.  Because of the fact that it is expensive, I can afford to stay a week, but only a week. 
57  M Markaa waxyaabaha ad doonasid inaad soo eegtid maxaa ugu weeyn?  What is the most important thing you would like to see there? 
58  A Waxa ugu weeyn, maadaama la ii sheegay noloshu inay aad uga duwan tahay kalafooniay yacnii waxaan rabaa faraga u dhexeeye labada nololood.  I want to see the difference between life in California and New York.